Yaa la Dhahaa Premier League? Oscar oo amaan ugu qubeeyay Chine Super League

Saxiixa cusub ee Shanghai SIPG Oscar ayaa aaminsan in Horyaalka Chine Super League ugu danbeyn la tartami karo Premier League haddii magacyada xiddiga waaweyn ay sii socato in ay usoo dhaqaaqaan Asia.

Oscar ayaa € 60 million oo u dhiganta (£ 51m) kaga dhaqaaqay kooxda Premier League Chelsea horaantii January, waxaana ninka reer Brazil uu kula biiray kooxda Shanghai SIPG saxiibkiisa xulka Hulk iyo tababarihii hore ee Chelsea Andre Villas-Boas.

ciyaaaryahanka 25-sano jirka ah, kaasoo dhaliyay gool kulankiisii ugu horeeyay Shanghai SIPG ciyaar saaxiibtinimo ayaa sheegay in waqtigaan xiisaga Horyaalka Chine uu yahay mid sareeya.

Carlos Tevez, Axel Witsel, Ramires, Alex Teixeira, Ezequiel Lavezzi, John Obi Mikel, Graziano Pelle, Burak Yilmaz, Paulinho, Renato Augusto, Fredy Guarin iyo Jackson Martinez ayaa dhamaan ah ciyaartooy ku biirtay kooxaha waaweyn ee Horyaalka Chine Super League.

Oscar ayaa dareensan in kaliya maal-gashiga dheeraadka ah ee ay heli doonaan kooxaha Chine ay ku xiran tahay horumarka uu sameeyo Horyaalkaan.

“Haddii ay sii wadaan maalgashigooda wanaagsan waxa ay la tartami doonan Horyaalada waaweyn ee dunida” ayuu u sheegay Sky Sports.

“Dabcan Premier League waa mid sareeya heerka ciyaartoyda kusugan, laakiin waxaan sheegi karaa in halkaan horumar badan ka jiro ayuu yiri Oscar.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Waxyaabo ku raali gellinaya