Xog Dhageysi:Shan musharax Hawiye iyo Daarood ku heshiiyay guusha Gud Jawaari yaa kamid ah

Warar hoose oo haatan aan heleyno ayaa sheegaya in guusha oo maanta kagaaray doorashadii gudoonka barlamaanka soomaaliya mudane Jawaari ayaa lasheegaya in ay kadanbeyeen shan musharax oo utaagan qabashada xilka madaxweynaha soomaaliya.

HALKAAN KADAAWO MUQAALKA

Musharixiintaan oo kasoo kala jeedo beelaha Hawiye iyo Darood ayaa xooga saaray sidii usoo bixi lahaa gudoomiye jawaari ayadoo siweyn oga qeyb qaateen soo bixitaankiisa kursigaan.

Musharixiinta xilka madaxweynaha arintaasi gadaal kariixeyse ayaa ugu horeeyo madaxweyne Xasan sheekh iyo Cumar cabdirashiid waxaana jiray ilaa sadax musharax kale oo kasoo jeedo beelahaas inkastoo u badanyihiin beesha hawiye.

Tani ayaa guul weyn u ah mushariixiinta utaagan qabashada xilka madaxweyne ee dalka soomaaliya kana soo jeedo beesha darood kuwaasi oo weyn lahaa hadii Xidig noqon lahaa gudoomiyaha saami qeybsiga xubnaha ugu sareeyo dowlada.

 


Fikradaha Akhristayaasha (4)

  1. DOOYOW says:

    Sc, Dhamaan umadda SOOMAALIYEED,aniga waxaan taageerayaa kan dalka iyo dadka dan u ah,ma dhihi karo jawari ma dhihi kar xidig ama qof kale,jawaari waxaan leeyahay War Dalkan iyo dadkiisa taariikh fiican ugu tag, ama raac kuwii xumaha farqaha ku watay.
    cosi gaaban, gudoonka cusub xildhibaanada cusub, waxan idika codsanayaa in aad u hiilisaan shacbiga konfur galbeed oo Sharif masiibo ama sakiin aan iraahdee oo ku habsaday, Sharif masiibo kama fekerin dadka uu leeyahay waan matalaa, waqtigan oo abaar ah ayuu lacagtii masaakiinta ku qamaarayaa,maka fekeray hadii abaartan ay ku baahdo mesha uu leeyahay madaxaan ka ahay in dadka D/M xerooyin qaxooti loga oodi doono Kismaayo, muqdishu iyo nawaxigeda qaarna macluul la baqtiyi donaan.waxaan leeyahay Sharif sakiin halaga qabto intii gori goor tahay, waayo waa masiibo ku soo korortay D/mirile iyo degaankiisa.
    kana ilaalsha qaska uu ku haayo horu marka umadda Soomaaliyeed.
    wabilaahi towfiiq.

  2. DOOYOW says:

    WAXAAN MAQASHEEN KA HORTAGA MASIIBOOYINKA IYO CUDURADA FAAFA, WAR MAA LOO SAMEYN WAAYEY KA HORTAGA MASIIBADA SHARIIF SAKIIN.

    WAXAAN SUGEYNAA INAAN MAQALNO, GUDIGA KA HORTAGA SHARIF SAKIIN.KOOXIXII DAGAAL OGAYAASHA OO UMADA LAGU SALIDAY ALLE WUU KA DULQAADAY, ALLOW KA DUL QAAD SHARIF SAKIIN IYO MASIIBADIISA.
    SHACBIGA SOOMAALIYEED WAA SHACBI MASAAKIIN AH, WAAYO HADII SHACBI ADAG AHAAN LAHAYEEN SHIRIF SAKIIN IYO WAX LAMID AH MA XUKUMEEN. EE SHACBIYAHOW INDHIHIINA FURA U DHIIBTA AMAANIDIINA QOF ALLE KA CABSI IYO AMAANO HUFAN.
    WABILAAHI TOWFIIQ.

  3. Mundul dumiye says:

    war been yaan la isu sheegin dadka jagada iska leh waa la yaqaan ee faataxada loogu maray xilogii midowgii koonfur iyo waqooyi waa in si cad loogu sheegaa digil iyo mirifle jagadani iyaga in ay leyihiin oo faataxada loogu maray balse waxa ay ku daadsan tahay shariif xasan oo isku dayey inuu bur buriyo somaliya waxa ay faataxada ku maratay hadii uu ku soo baxo nin digil mirifle ah waxa cadaneysa inaysan xil kale laali karin laakiin waxa aaan la yaabanahay raxweyn oo idil in ay dib danbe u qaadan doonin faataxadana ay jebin doonaan laakiin taasi waxaa beeniyey hawiye iyo daarood oo isu haya xilka madaxweyne cidkale aanan ku haysan nasiib daro waxa meesha ka maqan beesha waqooyi oo iska laheyd ra iisul wasaare ayagana ilaa hada lagu hayo wasiir dibadeed inta ay soo kala dhuntaan sed loogu dhigo marka aynu aragno meesha ay ku biyo shubabato wAna idiin salamayaa bahda watqaad ku xiran

  4. xasan says:

    jawaari waa u qalma kursiga barlamaanka lakin sida uu hader u dhaqmey waa wax laga xumaado..muxuu soo qabtey afarti sano ee la soo dhaafey xitaa hadi raxaweyn ay qadanayaan waxey aheyd in qof kale uu qabto..runtii dad ba ka danbeya in jawari so baxo lakin asaga wa doqon raba inuu xumeeyo dadkiisa kana soo horjeeda horumarka k.galbed ama d&mirifleba..
    Dooyow magacaaga runta ah soo qaado runtii waa laga dareemaya naceybka aad u qabto shariif xasan sh aadan lakin waxaad tahay nacas iska hadley oo uu qabiil diloodey ka soo qaadna ma laha hadalada qaarkod oo aan ku dhisneyn micna weyn..




Waxyaabo ku raali gellinaya