xiddigaha Liverpool oo diyaar u ah kulanka Southampton, Miyuu Dheelayaa Philippe Coutinho? Yaase Maqan Kulankaan?

Liverpool ayaa caawa la ciyaareysa kooxda koonfurta Ingiriiska ka dhisan ee Southampton kulanka semi-final  tartanka EFL Cup.

Jurgen Klopp kooxdiisa ayaa wajaheysa kooxda Saints, laakiin iyadoo dib u heshay ciyaartooy muhiim ah oo seegay kooxda kulamadii lasoo dhaafay.

Reds ayaa talaadadii shalay kusoo dhaweysay tababarka kooxda Philippe Coutinho oo kamid ahaa tiro ciyaartooy ah oo kooxda Klopp dhaawac kaga maqnaa.

Coutinho ma  uusan ciyaarin tan iyo kulankii dhaawaca canqowga ah uu kasoo gaaray ee Sunderland 26 November, waxaana uu seegay garoomada in kabada muddo bilo ah.

Daafac dhalinyada ah ee Joe Gomez ayaa sidookale kamid ah ciyartooyda safarkaan kujirta kadib markii uu ciyaaray kulankiisii ugu horeeyay kooxda 15 bilood kadib todobaadkaan.

Gomez waa dhawaan isna kasoo laabtay dhaawac jilibka ah, isagoo kaliya £ 5million looga soo qaatay kooxda Charlton sanadkii 2015.

Sidoo kale Trent Alexander-Arnold, Ben Woodburn, iyo halyeeyga reer Brazil Lucas Leiva ayaa safarkaan ka qeyb ah.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Waxyaabo ku raali gellinaya