XASAASI: Sanchez oo Rikoor xun oo dhanka Baasaska ah ka diiwaan gashtay EPL – Yaase Sameeyay Baasaskii ugu badnaa?

Weeraryahanka Kooxda Arsenal Alexis Sanchez ayaa xili ciyaareed wanaagsan ku qaadanaya kooxdiisa isagoo dhanka gooldhalinta aad ugu wanaagsan.

Xidigan qaranka Chile ayaa dhaliyay 13 gool waxaana kaliya ka sareeya gooldhaliyaha naadiga Chelsea D.Costa kaas oo dhaliyay 14 gool.

Si kastaba, Inkastoo uu ku jiro qaab ciyaareed wanaagsan, hadana kooxdiisa ayaa kaalinta shanaad kaga jirta horyaalka taas oo sideed dhibcood ka hooseysa hogaamiyaasha Chelsea.

Laakiin waa cadaalad hadii Sanchez uu dhib ka haysto kooxdiisa Arsenal, waana dhinaca dhiibida kubada ama baaska.

Xidiga qaranka Chile ayaa ah xidiga ugu baaska liita sida ay sheegeyso qiimeyn la sameeyay 222 kamid ah baasaskiisa ayaa guuleystay inkastoo uu ku guuldareystay inuu dadkii loogu talagalay gaarsiiyo 857 , waxaana ay ka dhigan tahay iney hooseyso baasaskiisa.

 

Si kastaba, qadka dhexe ee kooxda LIverpool Jordan Hendersoon ayaa ah xidiga ugu baasaska badan waxaana uu saxay 1,650 baas, laakiin 214 ayuu qalday waana mid ka yar ciyaaryahanada kale.

Laakiin ciyaaryahanka baasaska ugu badan saxay waa xidiga ku cusub kooxda Man City Ilkay Gundogan kaas haatan dhaawac mudo dheer ah ku maqnaan doona.

Xidigaha kale ee baasaskooda ay hagaageen waxaa kamid ah Santi Cazorla iyo kubad sameeyaha Man United juan Mata.

Qadka dhexe ee Tottenham Mousa Dembele, kan Man United Michael Carrick,daafaca  John Stones iyo Adam Forshaw ayaa  90 boqolkiiba saxay baasaskooda waxaana kusoo xiga Yaya Toure oo isna saxay 89.7 boqolkiiba.

Waxaase layaab ah in ciyaaryahanadan aysan soo gelin xidigaha hogaanka horyaalka haya ee naadiga Chelsea.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Waxyaabo ku raali gellinaya