XASAASI: Inter Milan oo Xiddig £ 50 million Laagu Qiimeeyo Ka Dulqaaday Kooxda Premier League Ka Dhisan Ee Man Utd

Inter ayaa soo gashay tartanka loogu jiro saxiixa bartilmaameedka kooxda Manchester United Kostas Manolas oo u ciyaara kooxda Roma, sida uu sheegay Calcio Mercato.

Jose Mourinho ayaa diyaar u ah in qiimo ilaa £ 50 million uu kusoo xerogeliyo daafaca Giriigga, inkastoo kooxda San Siro xiiseyneyaan heshiiskiisa.

Macalin hogaamiya kooxda Inter Milan Stefano Pioli ayaa doonaya inuu dib ugu qaabeeyo kooxdiisa xagaaga daafac waaya araga ah ee kooxda Roma.

United ayaa si adag uga shaqaynaysa sidii ay ku dhameystiri laheyd saxiixa daafaca kooxda Benfica Victor Lindelof, si kastaba ha ahaatee iyadoo wadahadalo la sheegay in ay usocdaan Mourinho iyo wakiilada ciyaaryahanka Sweden wali majiro wax la isku raacay.

Manolas ayaa saftay 16 kulan oo Serie A xilli ciyaareedkan, waana mid kamid ah daafacyada dambeedka ugu fiican Horyaalka Sereie A.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Waxyaabo ku raali gellinaya