XASAASI: Arsenal oo ku Garaacday Liverpool iyo Juventus Saxiixa Xiddig Laga Qiimeeyo Bundesliga

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay talaabo ujiraan saxiixa daafaca bidix ee kooxda Schalke kaasoo hore diirada ugu saarneyd kooxda Liverpool ninka lagu magcaabo Sead Kolasinac.

Gunners ayaa dooneysa bishaan January in ay kaoso qaataan kooxda ka dhisan Bundesliga daafacaan awooda badan kaasoo bandhig cajiib ah kujira.

Juventus ayaa sidoo kale la sheegay in ay kujira dagaalka ciyaaryahanka, laakiin Arsenal ayaa u muuqata mida ugu horeysa xiisaha 23-sano jirkaan.

Wargeyska Tuttomercatoweb ayaa sheegaya in kooxda ka dhisan Waqooyiga Lonodn ay ku garaacday xiisaha ciyaaryahankaan kooxaha Liverpool iyo Juventus oo hore dalabyo kaga gudbiyay.

Arsene Wenger ayaa heysta Nacho Monreal iyo Kieran Gibbs oo ka ciyaarta daafaca bidix , laakiin waxaa laga yaabaa in Gibbs oo aan kujirin kooxda koowaad laga diro kooxda.

Si kastaba ha ahaatee, xiddiga heerka caalami ee dalka Bosnia ayaa wadahadalo meel fiican maraya waxaa wakiiladiisa ay la leeyihiin kooxda Arsenal.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Waxyaabo ku raali gellinaya