Wararkii Ugu Danbeeyay ee Suuqa Kala iibsiga & Kooxaha Ingiriiska oo dagaal ugu jira ciyaaryahano magac leh

Suuqa Kala Iibsiga ayaa furan koox walba ayaana isha ku haysa iney sameyso saxiixyada ay doonayaan, hadabada Shabakada Wararka ciyaaraha ee Laacibiin ayaa idin soo gudbineysa wararkii ugu danbeeyay ee Suuqa iyo Saxaafada ingiriska

DAILYMAIL

  • Tababaraha Kooxda Chelsea Antonio Conte ayaa qorsheynaya inuu si lama filaan ah kula soo warego ciyaaryahanka kooxda  West Ham Michail Antonio.
  • Naadiga Swansea City ayaa ku dhawaaneysa saxiixa weeraryahanka Leicester Leanardo Ulloa si uu badal ugu noqdo weeraryahanka  Chelsea bartilmaameedka u ah ee Fernando Llorente.
  • Kooxda Manchester United ayaa dib ugu yeertay daafaca Cameron Borthwick-Jackson kaas oo heshiis amaah ah ku qaadanayay  Wolves.
  • Brentford ayaa soo diiday dalab ku kacaya £12.5m oo ay WEST Ham kasoo gudbisay Scott Hogan iyadoo doonaya £15m.

THE SUN

  • Naadiga Serie A-da ka dhisan ee AC Milan ayaa dooneysa saxiixa xidiga Everton Gerard Deulofeu.
  • Weeraryahanka Torino Andrea Belotti ayaa sheegay inuusan ogolaan doonin iney saameyn ku yeelato dalabkii Arsenal ee £55m ay kasoo gudbisay xidigan ayaa doonaya inuu sii wado bandhiga goolasha.
  • Naadiga Stoke City ayaa miiska saartay £12m si ay West Brom ugala soo saxiixato weeraryahnaka Saido Berahino.
  • Si kastaba naadiga , Rangers ayaa dhanka kale dooneysa iney xidigan lasoo saxiixato.
  • Xidiga Manchester United Paul Pogba ayaa ku laaban doona kooxdiisii ugu horeysay ee Le Havre oo ka dhisan France.
  • Naadiga Chelsea ayaa ku dhawaaneysa saxixia daafaca lagu qiimeeyo £16m ee kooxda Fenerbahce Simon Kjaer.
  • Xidiga Derby County Tom Ince ayaa haatan bartilmaameed ugu ah naadiga Newcastel lacag dhan £8m .
  • Max Gradel ayaa dhanka kale weydiisanaya kooxdiisa Bournemouth in la fasaxo.

Mirror

  • Tababaraha Kooxda Atletico Madrid Diego Simeone ayaa bartilmaameedkiisa koobaad ka dhiganaya xidiga kooxda ARSENAL Alexis Sanchez.
  • Weeraryahanka Crystal Palace Christian Benteke ayaa noqonaya ciyaaryahnakii ugu danbeeyay ee lala xariirinayo horyaalka China.

The Star

  • Kooxda Borussia Dortmund ayaa dooneysa iney ilaashadaan Neven Subotic kaas oo bartilmaameed u ah naadiga England ka dhisan ee Liverpool.
  • Arsenal ayaa dhanka kale isha ku haysa ineysan u ogolaan Ozil iyo Sanchez iney kooxda ka tagaan.

Daily Express

  • Qadka dhexe ee Arsenal Dan Crowley ayaa dhameystiraya inuu ku biiro naadiga Dutch-ka ka dhisan ee Go Ahead Eagles.
  • Kooxda Liverpool ayaa dooneysa saxiixa  Bayer Leverkusen xidiga lagu qiimeeyo £20m-ka  ee Julian Brandt.
  • Naadiga Serie A-da ka dhisan ee  Atalanta ayaa iska diiday dalabyada England uga imaanaya qadka dhexe e qaranka Ivory Coast Franck Kessie.

The Guardian

  • Kooxda Aston Villa ayaa xiisaneysaa saxiixa Jeffrey Schlupp kaas oo la fahansan yahay iney iska fasaxeyso Leicester laakiin waxaa ay loolan laka kulmaysaa Crystal Palace iyo West Brom
  • Kooxda Chelsea ayaa hormarineysa  Stamford Bridge waxaana ay ku dhowdahay iney iney gaarsiiso 60,000-oo kuraas ah
  • Xidiga Gabriel Jesus oo City ugu fadhiya £27m ayaa wali aanan awoodin inuu usafto kooxdiisa sbabao la xariira warqadihii uu kku shaqeyn lahaa oo aanan la dhameystirin

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Waxyaabo ku raali gellinaya