Waa tuma kooxda kaliya ee Arsenal kaga baqeyso Saxiixa Alexis Sanchez? Ma ahan Chelsea Ama United

Arsenal ayaa ka digtoon xiisaha Paris Saint-Germain u qabto Alexis Sanchez iyagoo doonaya in ay qandaraas ay ka saxiixaan ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga xagaagan.

Sanchez, oo 28 jir ah, ayaa 18 bilood uga harsan tahay qandaraaskiisa Emirates Stadium waxaana uu doonayaa £ 280,isbuuciiba haddii uu sii joogayo Gunners.

Ninka reer Chile ayaa iska diiday heshiis cusub oo ku kacaya lacag dhan £ 180,000-isbuuciina waxaana shaki xoogan uu kujiraa mustaqbalkiisa Gunners.

Chelsea, Manchester City, Atletico Madrid iyo Juventus ayaa dhamaantood xiiseynaya ciyaaryahankii hore ee Barcelona, laakiin Arsenal ayaa kaliya ka cabsi qabta in heshiiskaan ay ku guuleysato kooxda maalqabeenada carbeed ay leeyihiin ee Paris Saint-Germain.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Telegraph, Arsenal ka ayaa walaac xoogan ka qabta kooxda Paris Saint-Germain oo heshiis qaali ah usoo bandhigtay Sanchez.

Sanchez ayaa sidookale dalabyo mushaar qalai ah ka heysta kooxaha ka dhisan Horyaalka dalka China.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Waxyaabo ku raali gellinaya