Victor Moses oo markii ugu horeysay ka hadlay inuu ka ciyaaro daafaca isagoo ah weeraryahan- Miyuu ku qanacsan yahay?

Xiddiga Chelsea Victor Moses ayaa amaanay tababare Antonio Conte oo si lama filaan ah booska daafaca garabka midig kaga siiyay xilli ciyaareedkan kooxdiisa.

Ciyaaryahanka reer Nigeria ayaa muran la’aan ahaa ciyaaryahan isbedel dhanka taatikada ah uu ku sameeyay macalin Conte, iyadoo tababaraha Talyaaniga uu Chelsea ku hogaamiyay 13-kulan oo guulo isku xiga ah Premier League isagoo isticmaalaya shaxda 3-4-3.

Tottenham ayaa todobaadkii hore janisay rikoorkii guulaha xiriirka ahaa ee kooxda Chelsea, laakiinse MuuseMoses ayaa uga mahadceliyay tababarihiisa qaabka lama filaanka ah ee uu u saciday.

‘Waxaan markasta ku riyoon jiray inaan ka ciyaaro booska ugu fiican noloshayda, laakiin inaan in aan noqdaa daafac waa arin lama filaan ah ayuu yiri Victor Moses.

Victor Moses ayaa kamid ah ciyaartooyda muhiimka ah ee uu waqtigaan ku duulayo macalinka kooxda Chelsea Antonio Conte, waxaana uu u adeegsadaa labada boos ee garabka midig ee dafac iyo kan dhaxe.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Waxyaabo ku raali gellinaya