TopNews: Griezmann oo Hogaaminaya Afar ciyaaryahan oo Man United kusoo jeeda

Tababare Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday in Man United ay lacag badan gelin doonta xagaagan suuqa kala iibsiga.

United ayaase nasiib daro ciyaaryahano cusub kusoo darsan doonin shaxdooda  bisha January sida uu sheegay tababaraha reer Portugal.

Weeraryahanka Atletico Madrid Antoine Griezmann, labada daafac ee Benfica Victor Lindelof iyo Nelson Semedo iyo qadka dhexe ee Monaco Tiemoue Bakayoko ayaa kamid ah liiska xidigaha United ay dooneyso.

Morgan Schneiderlin ayaa  Everton ugu biiray £22million halka Memphis Depay uu isna ku dhow yahay inuu ka tago  Old Trafford bishan, United ayaana markaas heli doona dhaqaalo cusub.

Mourinho, ayaa usheegay Sport TV : “Waxaan qanacsanahay in qaboobahaan aan iibin doono ciyaaryahano cusub oo aanan kuwa cusub soo iibsan doonin”

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Waxaan dooneynaa inaan ciyaaryahanadeena kusoo darno dhanka weerarka si lamid ah sanadkan oo aan afar ciyaaryahan soo iibsanay.”

Agaasimaha dhanka ciyaaryahan United Ed Woodward iyio milkiilayaasha  Glazers ayaa taageeraya tababare Mourinho laakiin waxa aay si cad usheegeen iney lacag badan ka heli doonaan funaanadooda 2017


Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. […] – Kooxda Man United ayaa qorsheyneysa iney saxiixyo waa weyn sameyso, waxaana ay isha ku haysaa afar ciyaaryahan oo uu kamid yahay Griezmann – Riix Halkan Akhriso Heshiisyada macquulka ah […]




Waxyaabo ku raali gellinaya