TOP NEWS: Manchester United oo Dib ugu Yeertay Ciyaaryahan Amaah Kaga Maqnaa- Waa kuma?

Manchester United ayaa diyaar u ah inn ay soo gaabiso amaahda Cameron Borthwick-Jackson kula joogo kooxda Wolves ee ciyaarta Championship, sida laga soo xigtay Daily Star.

19-sano jirkaan ayaa ku biiray kooxda heerka labaad muddo amaah hal xilli ciyaareed ah xagaaga, laakiin waxa uu ku guuldareystay inuu boos ka helo kooxda macalin Paul Lambert tan iyo November.

Sidaas darteed, Jose Mourinho ayaa u yeeri doona daafaca bidix si uu ugu soo laabto Old Trafford laakiin waxaa booskiisa uu u hetsaa wali Luke Shaw, Daley Blind iyo Matteo Darmian.

Macalinka kooxda United Jose Mourinho ayaa heysta fursad weyn oo uu kula soo wareegi karo daafacyo cusub xili ciyaareedkaan, laakiin sidiookale qorshihiisa waxaa jira inuu isticmaalo dhalinyarada kooxda.

Cameron Borthwick-Jackson ayaaa kamid ah dhalinyaradii kooxda Manchester United uu kusoo saaray macalin Luis Van Gal laakiin waqtiga cusub ee Jose Mourinho ayaa keentay in ay boos waayaan.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Waxyaabo ku raali gellinaya