Tababare Jose Mourinho Oo Ku Dhawaaqay In Zlatan uu Xanuunsan yahay – Miyuuse Safan doonaa Kulanka Liverpool?

Jose Mourinho ayaa rajeynaya in Zlatan Ibrahimovic uu diyaar unoqdo kulanka  Manchester United ay la ciyaareyso naadiga Liverpool.

Ibrahimovic ayaa kooxdiisa aanan usafan kulankii ugu danbeeyay ee ay United Old Trafford kaga badisay Hull City ayuu beegsanayaa inuu kusoo laabto garoomada todobaadkan.

Waayo Aragaan  Ibrahimovic,oo 18 gool udhalliyay kooxdiisa kadib 28 kulan ayaa haatan isku diyaarinaya inuu safto kulanka Liverpool sida uu Jose Mourinho sheegay.

“Zlatan waa uu xanuunsan yaha, marka dhib malahan waxaase ay ila tahay inuu soo caafimaadi doono” Mourinho ayaa sidaas ushegay saxaafada isagoo dhanka kale shaki galiyay in Kulanka Liverpool la heli karo daafaca Marcos Rojo.

Dhanka kale Mourinho ayaa amaanay Fellaini “Haa, laakiin sababta aan halkan ujoogo ayaa ah in maskaxdiisa ay noqoto mid xoogan si wanagsan ayuuna xaaladan uga hortagay”


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Waxyaabo ku raali gellinaya