SUUQA KALA IIBSIGA: Liverpool oo £ 40million Kula Wareegeysa Ciyaaryahan Katirsan Arsenal

Liverpool ayaa gacanta ka saartay macalin Jurgen Klopp £ 40million si uu ugu soo qaato ciyaartooyda uu u baahan yahay bishaan January.

xiddigaha diirada ay usaaran tahay kooxda Reds waxaa kamid ah Alex Oxlade-Chamberlain, Julian Brandt iyo Gabriel Barbosa kuwaasoo la filayo in ay ku biiraan kooxda Klopp.

Reds ayaa la filayaa in ay hesho bedelka xiddiga Sadio Mane oo ku maqan koobka qaramada qaarada Afrika waxaana uu ishaartay Klopp in saddexdaan ciyaaryahan midkood uu soo qaato.

Oxlade-Chamberlain ayaan heysan dooqa koowaad ee garoonka Emirates Stadium, waxaana dhowr jeer la sheegay sannadkii la soo dhaafay inuu ka tagayo Gunners.

Sida laga soo xigtay jariirada Jarmalka ee Bild, ciyaaryahanka garabka uga ciyaara England ayaa haatan bartilmaameedka ugu weyn u ah macalin Klopp.

Sidookale xiddiga Bayer Leverkusen Brandt iyo xiddiga Inter Milan Barbosa ayaa diirada waxay u saaran tahay kooxda kub adda cagta ee Liverpool.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Waxyaabo ku raali gellinaya