SUUQA KALA IIBSIGA: Chelsea oo Talaabo yar ujirta iney lasoo saxiixato Kubadsameeyaha Liverkusen Calhanoglu

Kooxda Chelsea ayaa ka gudbisay kubad sameeyaha naadiga Bayer Leverkusen Hakan Calhanoglu si uu badal ugu noqdo Oscar.

Saxaafada Turkiga ayaa qorsheysa in ciyaaryahankan halista ku ah laadada xorta ah uu ku dhow yahay inuu aqbalo dalabka macalin Antonio Conte.

Calhanoglu ayaa waxaa uu ku biiray naadiga Bayer Leverkusen sanadkii 2014-kii isagoo  Hamburg kaga soo tagay lacag dhan £12.5m waxaana uu udhaliyay 28 gool iyo 26 caawinaad.

Xidiga qaranka Turkey ayaa sidoo kale lagu xasuustaa inuu shabaqa kasoo taabtay England kulan saaxiibtinomo oo la isugu diyaarinayay Euro 2016.

Chelsea ayaa kaliya lix gool kaliya ka dhalisay laadadkii xorta ahaa ee ay heleen xili ciyaareedkan, waana wax ka yar kooxaha West Brom, West Ham iyo kooxda ugu hooseysa horyaalka ee Hull.

Maalmo kadib markii Oscar uu ka tagay kooxdaas, Chelsea ayaa wakiilo udirtay Germany si ay usoo daawadaan qaab ciyaareedka xidigan kulankii Leverkusen ee 1-1 la galeen Cologne.

Laakiin xidigan ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu ku biiro Man United ama kooxda Barcelona oo uu leeyahay kubadahooda.

Calhanoglu ayaa yiri: “Barcelona iyo Manchester United ayaa ah kooxaha ugu weyn, waa ay adag tahay in la isku diido hadii ay dalab kaa soo gudbiyaan.”

Bayer Leverkusen ayaa haatan ku jirta xili ciyaareed xun iyagoo ku jira kaalinta 9-aad ee kala horeynta horyaalka Germani.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Waxyaabo ku raali gellinaya