RASMI: Milner oo noqday Daafaca 2-aad ee ugu fiican Yurub – Maxaase ka ogtahay 10-ka ugu wanaagsan daafaca Bidix?

Markii uu macalin Jurgen Klopp ku dhawaaqay inuusan soo iibsan doonin daafac bidix kadib keydkii Alberto Moreno ayaa aheyd fikir aan caadi aheyn.

Lix Bilood kadib James Milner ayaa noqday ciyaaryahanka labaad ee ugu wanagsan daafaca bidix kadib markii uu kasoo badashay numberkii uu ka ciyaari jiray ee dhexda ama garab weerar ah.

Xaqiiqda ayaa ah in daafaca bidix ee ugu wanaagsan Yurub uu yahay kan kooxda Juventus Alex Sandro waxaase si lama filaan ah booska labaad ugu jira ciyaaryahanka reer England iyo koxda Liverpool James Milner.

Kaalinta Sedexaad waxaa ku jira daafaca bidix ee Bayern Munich Alaba halka luiz-ka Atletic Madrid uu isna afaraad ku jiro.

Danny Rose oo Tottenham ah iyo Marco Alonso oo Chelsea ah ayaa sidoo kale ku jira liiska 10-ka daafac ee ugu wanagsan dhanka bidix.

 


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Waxyaabo ku raali gellinaya