RASMI: Kooxda Inter Milan oo lasoo saxiixatay 22 jir Qadka dhexe ka ciyaara

Kooxda Inter ayaa xaqiijisay saxiixa qadka dhexe ee kooxda Atalanta Roberto Gagliardini kaas oo si amaah ah ku aadi doona naadigaas, waxaana ay Inter haysataa fursad ay ugu iibsan karto €25million.

Gagliardini oo dhawaan qarankiisa uciyaaray ayaa kamid ahaa ciyaaryahanada ugu wanaagsan ilaa haatan qadka dhexe ee horyaalka Talyaaniga.

Uwareegitaankiisa San Siro ayay ka dhigeysaa in 22 jirkaan uu kooxdaas ka caawin doono sidii ay sanadka danbe uga soo qeyb gali laheyd Champions League.

Gagliardini oo kaliya 14 kulan oo horyaalka ah ciyaaray ayaa la aamisan yahay inuu ku haboon yahay qaab ciyaareedka Inter Milan, waxaana xidigan uu qeyb ka yahay kacaanka cusub ee milkiilayaasha reer China.

Joao Mario, Gabriel Barbosa iyo Antonio Candreva ayaa xagaagan kusoo biiray kooxda Inter Milan, laakiin wali waxaa ay baadi goob ugu jiraan saxiixyo cusub.

“Waan ku faraxsananhay inaan ahay ciyaaryahan Inter Milan ah, tana waa riyo ii rumowday,” Gagliardini ayaa sidaas usheegay website/ka Inter waxaana uu hadalkiisa ku daray. “ma sugi karo inaan la shaqeeyo tababare tababare Stefano Pioli, oo aan la kulmo ciyaaryahanada aan iskku kooxda nahay, dabcan inaan ku xirto funaanada  San Siro, taageerayaasha hortooda|

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri”waxaan doonayaa inaan kooxda ka caawiyo wax badan.”


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Waxyaabo ku raali gellinaya