RASMI: Kooxda Arsenal oo dalab 40 Milyan ah ka gudbisay Daafaca Manolas & Roma oo kasoo hadashay

Kooxda Roma ayaa soo diiday dalab ku kacaya €40million (£34.6m) oo ay Arsenal ku doonayeen daafaca Kostas Manolas sidaas waxa sheegay wakiilka ciyaaryahanka

Kooxaha Ingiriiska oo ay kamid yihiin Chelsea iyo Man United ayaa sidoo kale isha ku haya saxixia daafacan qaranka Greec.

Si kastaba 25 jirkaan Manolas ayaa wali ku sii sugnaanaya kooxdiisa isagoo iska diidaya England iyo China oo lacago waali ah ku doonaya.

“Waxba kama sheegi karo halka uu Kostas uu  jeclaan lahaa inuu ka ciyaaro, laakiin waxa xiiso ah in kooxo badan ay albaabada usoo garaacayaan,” Wakiilkiisa Evangelopoulos ayaa sidaas usheegay Sport FM.

“Roma waxaa ay diiday dalab ku kacaya €40m oo ka yimid Arsenal oo dooneysa Kostas, The Gunners ayaa wali xiiseyneysa laakiin waxaa laga doonayaa lacag intaas ka badan”.ayuu hadalkiisa ku daray wakiilka daafaca Roma.

Isagoo hadalkiisa sii wada ayuu yiri “Suuqa bisha January? taas wax cusub kama hayo, mana jiro xaqiiq ah inuu bishan baxayo laakiin wax walba waxaa ay ku xirnaan doonaan dalbayada”.

Mar uu ka hadlayay inuu daafacan aadayo China ayuu yiri “Inuu ku biiro China? waxaan ka wada hadlanay qiimo adag, laakiin Kostan waxaa uu doonayaa inuu ka ciyaari horyaal sare waxaana dhihi lahaa China ma ahan halka isaga uwanaagsan”

“Kubada cagta waa Yurub halkii lacagta la fiirin lahaa.”ayuu hadalkiisa ku daray wakiilka daafaca Manolas.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Waxyaabo ku raali gellinaya