RASMI: Halyaygii Kooxda Chelsea Makelele oo kusoo laabtay Horyaalka Ingiriiska – Muxuuse qaban doonaa?

Claude Makelele ayaa ku biiray shaqaalaha kooxda Swansea ee macalinka cusub ee kooxdaas Paul Clement.

Qadkii dhexe ee hore ee  Chelsea iyo Real Madrid ayaa loo magacaabay caawiyaha tababaraha Swansea kaas oo bil kahor loo magacaabay tababaraha kooxda.

Waxaa uu saxiixay heshiis ilaa sanadkna dhamaadkiisa ah waxaana uu doonayaa inuu inuu ka qeyb qaato bad baada kooxda oo heerka labaad ka cabsaneysa.

Makelele ayaa sidoo kale Clement kala soo shaqeeyay Stamford Bridge, halkaas oo uu Makelele ka ahaa ciyaaryaahn intii udhaxeysay 2003 to 2008.

Clement ayaa ka hoos shaqeynayay macalinkii hore ee Chelsea  Avram Grant  xiligaas oo aheyd sanadkii ugu danbeeyay ee Mekelele 2007-08.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Waxyaabo ku raali gellinaya