RASMI: AC Milan oo dib ula saxiixatay 40 jir keyd unoqon doona 17-jir halis ka ah San Siro

Kooxda AC Milan ayaa dhameystirtay heshiiska goolhayaha qabiirka ah ee kasoo tagay Cagliari Marco Storari

Heshiiska goolhayaha reer Brazil ayaa yimid kadib markii goolhayihii labaad ee Milan  Gabriel uu uwareegay kooxda Cagliari, waxaana uu heshiiskan shaqeyn doonaa ilaa dhamaadka xili ciyaareedkan.

40-jirkaan  Storari ayaa kooxda Milan usoo ciyaarayay intii udhaxeysay January 2007 ilaa June 2010, waxaana uu uciyaaray kaliya 13 kulan.

Kadib waxaa uu aaday dhanka kooxda Juventus, halkaas oo uu keyd uga ahaa goolhaye Gianluigi Buffon, 2015-kii ayuuna aaday naadiga Cagliari

Storari ayaa kooxda  Cagliari ka caawiyay iney   2015-16 kasoo baxdo Seria B-da waxaana uu ku jiray xilli ciyaareed cajiib ah laakiin kadib waxaa uu lumiyay qaab ciyaaredkiisa sanadkii 2016.

Storari ayaa haatan AC Milan ka noqon doona goolhayaha labaad isagoo keyd unoqon doona   17-jirka   Gianluigi Donnarumma kaas oo si cajiib ah ugu ah goolhayaha ugu wanaagsan  San Siro.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Waxyaabo ku raali gellinaya