Miyuu Marcos Rojo Diyaar u yahay Kulanka Liverpool vs Manchester United? Tababare Jose Mourinho Ayaan Ka jawaabay

Marcos Rojo ayaa weli shaki uu ku jiraa inuu usafan karo kooxdiisa Manchester United kulanka Premier League ay ku wajahayaan kooxda Liverpool sida uu sheegay Jose Mourinho.

Ciyaaryahanka reer Argentina ayaa dhaawac kubka ah uu soo gaaray qeybtii hore kulankii United ay 4-0 kaga badiyeen Reading wareega seddexaad ee tartanka FA Cup.

kulanka muhiimka ah ee Jurgen Klopp kooxdiisa ay kusoo dhaweynayaan garoonka Old Trafford, Mourinho ayaan hubin haddii Rojo diyaar u noqon doono kulankaan.

‘Marcos ayaa dhibaato muruqa ah qaba, kuma dhihi karo dhibaatada waa yar tahay, laakiin waxaan rajeyneynaa inuu dib usoo laabto ayuu yiri Mourinho.

Zlatan Ibrahimovic ayaa seegay sidookale kulankii xalay kooxdiisa guusha ka gaartay Hull City semi-finalka tartanka EFL Cup sabab la xiriirta xanuun, laakiin Mourinho ayaa kalsooni ku qaba in 35-sano jirkaan soo kaban doono kulanka Liverpool.

‘Zlatan wuu xanuunsan yahay, sidaa darteed waxaan qabaa inuu soo kabsan doono, “ayuu yiri macalinka United oo saxaafada la hadlayay.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Waxyaabo ku raali gellinaya