LAMA FILAANKA Suuqa: Kooxda Bournemouth oo heshiis lama filaan ah kula wareegeysa Kabtan J.Terry

Kooxda Bournemouth ayaa si lama filaan ah ugu dhaqaaqeysa iney amaah kusoo qaadato kabtanka kooxda Chelsea sidaas waxaa ogaanaya   Sky Sports.

36-jirkaan ayaa kaliya shan kulan oo horyaalka ah kusoo bilowday inkastoo uu dhaawac uga maqnaa shaxda Conte.

Si kastaba tababare  Eddie Howe ayaa doonaya inuu ciyaaryahankan kasoo bixiyo keydka Stamford Bridge inta ka dhiman xili ciyaareedkan.

Macalin Howe ayaa aad uga murugeysan in Chelsea ay bur burisay heshiiskii amaahda ahaa ee Nathan Ake oo todobaadkan ku laabtay kooxdiisa Chelsea.

Tababaraha Bournemouth ayaa bishan January ka doonaya badalka ciyaaryahankan, waxaana uu rajeynayaa inuu lasoo saxiixdo kabtan Terry, kaas oo noloshiisa ku qaatay London.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Waxyaabo ku raali gellinaya