LAMA FILAAN: Arsenal oo Amaah ku fasaxeysa Kabtanka hogaamiya waqtigaan kooxda!!

Arsenal waxay albaabka u fureen kabtanka kooxda Per Mertesacker inuu ku tago qaab amaah ah inta lagu jiro bishaan, iyadoo daafaca uu ku dhow yahay inuu taam noqdo.

Xiddigii hore ee Germany ayaa loo doortay in uu kabtanka cusub ee Arsenal noqdo xagaagan, ka dib markii Mikel Arteta ka tegey kooxda kuna biiray Manchester City.

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu ahaa xilli ciyareedkaan ayaa Mertesacker waxa uu waayay booska daafaca dhexe kadib markii uu soo gaaray xanuun jilibka ah.

Tan iyo markii Arsenal lasoo wareegtay Rob Holding iyo Shkodran Mustafi daafaca Mertesacker ayaa waxaa shaki badan la gelinayay mustaqbalkiisa kooxda.

Wenger ayaa doonaya inuu amaah ku diro bishaan Mertesacker, wargeyska The Times ayaana ogaanaya in kabtanka uusan mustaqbal kale kusii laheyn kooxda.

Mertesacker ayaa heshiiskiisa kooxda Arsenal waxa uu dhacayaaa dhamaadka xili ciyaareedkaan mana jirto qorshe qandaraas cusub looga saxiixayo.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Waxyaabo ku raali gellinaya