Kooxda Everton Oo Schneiderlin Kala Wareegtay Man United & Qiimaha Heshiiskiisa oo la ogaaday

Kooxda Everton ayaa heshiis la gaartay qadka dhexe ee  Morgan Schneiderlin kaas oo kasoo tagaya  Manchester United aduun lacageed oo dhan  £22m, sidaas waxaa sheegaya   Sky sources.

Schneiderlin ayaa rajeynaya inuu todobaadkan tijaabo caafimaad umaro Everton halkaas oo uu kaga horeeyo macalinkiisii hore ee  Ronald Koeman, kaas oo ay kawada shaqeyn jireen  Southampton.

Xidiga qaranka France ayaa waxaa United keenay Louis van Gaal lacag dhan £24m sanadkii 2015 laakiin waxaa uu ku guul dareystay inuu boos ka helo shaxda Jose Mourinho.

Sky Sport ayaa sidoo kale ogaaneysa in qiimaha  ciyaaryahankan uu gaari doono £24m hadii uu heshiiskiisa noqdo mid guuleysta.

Tababare Jose Mourinho oo xaalada 27 jirkaan ka hadlaya ayaa yiri “waa ciyaaryahan halis ah oo daacad ah waxaana uu leeyahay qalbi wanaagsan, hadiise uu doonayo inuu baxo ma haysan doono”.

Warkan ayaa kusoo aadaya xili  West Brom ay ku guul dareysatay dalabkii koobaad ee ay ka gudbisay Schneiderlin,   Everton ayaa sidoo kale dooneysa saxiixa garabka kooxda United United  Memphis Depay.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Waxyaabo ku raali gellinaya