HELLO MAN UTD: Xiddiga Diirada u saaran tahay Manchester United Thomas Muller oo ka Dhawaajiyay Inuusan Ku Qanacsaneyn Nolosha Munich

Weeraryahanka Bayern Munich Thomas Muller oo muddo dheer bartilmaameed u ahaa kooxda Manchester United ayaa si cad ugu sheegay tababare Carlo Ancelotti inuusan ku faraxsaneyn nolosha kursiga keydka kooxda.

xiddiga caalamiga ah ee dalka Germany ayaa ku dhibtooday inuu la qabsado hoos waayaha Tababaraha cusub ee kooxda Munich, isagoo dhaliyay kaliya hal gool oo Bundesliga ah xilli ciyaareedkan.

Muller ayaa kusoo bilowday inta badan kursiga keydka kooxdiisa xili ciyaareedkaan, iyadoo taas ay ku qasbi karto inuu ka dhaqaaqo kooxda bishaan January.

United ayaa isku dayday la wareegida Muller sanadkii la soo dhaafay laakiin Bayern Munich ayaa ku guuleysatayn in ay sii heysato.

Halyeeyga kooxda Munich Lothar Matthausayaa dhawaan shaaca ka qaaday in mustaqbalka 27-sano jirkaan shaki badan uu kujiro sabab la xiriirta boos la’aanta uu dhigay macalin Ancelotti.

kulankii ugu danbeyay ee ka dhanka ahaa kooxda Leipzig ma aan ciyaarin, mana ahan wax aan ku faraxsanahay, ayuu Muller u sheegay Bild.

Muller ayaa mustaqbalkiisa ciyaareed oo dhan ku qaatay ilaa hadda kooxda Bayern, isagoo dhaliyay 156 gool 375 kulan oo uu saftay, waxaana uu kula guuleystay shan horyaal oo Bundesliga ah iyo Champions League.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Waxyaabo ku raali gellinaya