(GOOS-GOOS) Kooxda Man United uu guul Dahabi Ah Ka Gaartay Hull City, Hal Talaabana Ujirsatay Fiinaalka Carling Cup-ka

Kooxda Man United ayaa hal talaabo ujirsatay fiinaalka Carling Cup-ka kadib markii ay lugtii koobaad kaga badiyeen Hull City 2-0

Juan Mata & Fellaini ayaa Man United ku hogaamiyay guusha kadib markii ay qeybtii labaad kala dhaliyeen goolasha labada ah.

Ciyaarta ayaa aheyd mid weerarka lagu hayay kaliya dhanka kooxda Hull City, iyadoo wiilasha macalin Mourinho ay marar badan ku dhawaadeen iney goolal dhaliyaan.

GOAL! MAN UTD 1-0 HULL (Mata 56)

Kadib fursado badan oo ay qasaariyeen Man united ayaa heshay goolkii furitaanka waxaana uxaqiijiyay Juan Mata.

Pogba ayaa kubada si qurxoon ugu dhiibay  Valencia kaas oo dhanka midig kubada kaga keenay waxaana madaxa la helay Mkhitaryan kadibna waxaa kubada oo dhaaftay daafacyada meel cidlo ah ka helay Mata kaas oo ciyaarta ka dhigay 1-0

RIIX HALKAN: DAAWO GOOS GOOSKA CIYAARTA

Paul Pogba ayaa ku dhawaaday inuu helo goolkii labaad ee ciyaarta laakiin birta ayaa fursadaas ka beenisay daqiiqadii 75-aad kadib Free Kick loo dhigay.
United ayaa halkeeda kasii waday weerarka ay ku heysay goosha kooxda Hull City, waxaana ay marar badan qasaariyeen fursado halis ahaa.

GOAL! MAN UTD 2-0 HULL (Fellaini 87)

Kadib Marki uu keydka kasoo galay  Fellaini ayaa hogaanka udheereeyay kooxdiisa! Martial ayaa kubad qurux badan lasoo qaaday dhanka bidix waxaana uu udhiibay Darmian karoos halis ah ayuuna dhex dhigay diilinta Hull City madaxa ayuuna ku dhaliyayi… 2-0

United ayaa guul weyn ka gaartay kulankan, waxaana ay uga mahadcelineysaa  Juan Mata iyo Marouane Fellaini.

Hull ayaa haysata hal fursad oo ah kulanka garoonkeeda lagu ciyaarayo ee lugta labaad taas oo dhici doonta 26-ka January laakiin United ayaa isku diyaarineysa kulanka axada soo aadan ee Liverpool.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Waxyaabo ku raali gellinaya