BreakingNews: Barcelona oo Shaaca ka qaaday ineysan Awoodin Mushaarka Messi – City, Arsenal, Chelsea, United & Inter oo dagaalami doona

LIonel Messi ayaa  si lama filaan ah uga tagi doona kooxdiisa Barcelona kadib markii ay awoodi waayeen iney mushaar qaali ah heshiis ugu saxiixaan

Weeraryahanka qaranka The  Argentin ayaa la filayaa inuu lacag rikoor ah uga tago naadiga uu gooldhaliyaha ka yahay ee ka dhisan  Nou Camp.

Heshiiska uu kula joogo Barca ayaa dhamaanaya 2018-ka hase ahaatee waxaa miiska saaran qorshe uu heshiis cusub ku saxiixayo, laakiin Barca ayaa umuuqata mid aan kasoo bixi karin qiimaha heshiiskaas.

Oscar Grau, oo ah agaasimaha dhanka ciyaaraha Barcelona ayaa arintan xaqiijiyay isagoo yiri: “Waa xaalad ay tahay inaan si wanaagsan oo dagan aan uga fiirsano”

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Barcelona waxaa ay wax ka badan 70 boqolkiiba bajadkeena ku qasaarinay mushaaraadka, arintaas darteed waa inaan wax badan ka shaqeyna”.

“Hal xaalad ayaa jirta oo ah dhaqaalaha oo kordha, sida uu yahay qorshaheena  waxaan dooneynaa inaan haysano kuwa ugu wanaagsan, laakiin laga yaabe in wax si kale noqdaan”

Agaasimaha ayaa hadalkiisa ku daray “Waxaan dooneynaa ciyaaryahanada ugu wanaagsan aduunka, iyo kuwa aduunka ugu wanaagsanaa iney Barcelona joogaan”

“Waxaan jeclaan lahaa inaan taageerayaasha iyo xubnaha kooxda wax badan uhubiyo, laakiin waa inaan ku fakarnaa maskax degan|

Tan iyo markii uu kulankiisii koobaad saftay Messi  2004 oo ahaa 17-sano jir waxaa uu ku guuleystay shan Ballon d’Or, waxaana uu dhamaan tartamada kooxdiisa udhaliyay wax ka badan shan boqol oo gool.

Kooxaha ugu waa weyn Yurub sida Chelsea, United, Arsenal, CIty oo England ah iyo Inter Milan oo Italy lagu daray horyaalka China ayaa si weyn udoonaya shaqada ciyaaryahankan.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Waxyaabo ku raali gellinaya