BREAKING NEWS: Arsenal oo wadahadalo La Furtay Ciyaaryahan Garabka Kaga Ciyaara Kooxda Paris Saint-Germain

Arsenal ayaa wadahadalo la furtay ciyaaryahanka garabka uga ciyaara kooxda Paris Saint-Germain Lucas Moura, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya dalka France.

Wargeyska Tuttomercatoweb ayaa dhankiisa ku waramay in macalin Arsene Wenger aad uu ula dhacsan yahay qaab ciyaareedka xiddiga reer Brazil.

Wararka soo baxaya maanta oo Arbaco ah ayaa sheegaya in Gunners tallaabooyin ay ujiraan heshiis in ay la gaaraan ciyaaryahanka.

Moura ayaa kujira xilli ciyaareedkiisii shanaad e kooxda PSG, iyadoo kooxda heysata horyaalka Faransiiska ay kala soo wargeegtay £ 38million kooxda Sao Paulo sannadkii 2012.

24-sano jirkaaan ayaa qandaraaskiisa haatan uu dhacayaa sannadka 2019, laakiin Arsenal ayaa dardar gelineysa xiisaha ay u qabto ciyaaryahanka inta lagu jiro suuqa kala iibsiga January.

kooxda Ligue 1, ayaa Moura uu u dhaliyay lix gool 19 kulan oo uu u saftay xilli ciyaareedkan, laakiin wakiilkiisa ayaa muujiyay dhawaan sida aysan ugu qanacsaneyn nolosha France.


Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Waxyaabo ku raali gellinaya