XASAASI: Ozil oo Sharuud adag hordhigay Wenger – Waxaan Rabaa No.10

Mesut Ozil ayaa shaaca ka qaaday inuu doonayo inuu Arsenal uxirto No.10 kaas oo banaan ilaa markii Jack Wilshere uu amaah uga aaday Bournemouth.

Kubad sameeyaha qaranka German ayaa tan iyo markii uu Real Madrid kaga soo biiray Arsenal waxaa uu watay No 11 waxaase uu doonayaa in loo gacan gelliyo No.10.

Numberkaas ayaa waxaa horey ugu soo qaatay Robin van Persie, Ozil ayaana number 10 kasoo qaatay kooxdii uu kasoo tagay ee C.Ronaldo.

Ozil ayaa sidoo kale uqaadanaya Germani No.10 kaas oo uu baneeyay Lukas Podolski oo ciyaaraha caalamiga ah ka fadhiistay  sanadkii danbe.

“Ta iyo markii uu Wilshere baxay xagaagii hore, Numberkaas waa mid la heli karo, laakiin ilaa haatan ma aanan qaadan,” ciyaaryahanka ayaa sidaas usheegay Kicker.

Xidigan ku guuleystay koobka aduunka ayaa dhanka kale dhawaan sheegay inuu heshiis cusub saxiixi doono hadii la go’aamiyo mustaqbalka macalin Arsene Wenger.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Waxyaabo ku raali gellinaya