WARBIXIN: Qaabka Ay U Codeeyeen Macalimiinta & Kabtanada Xulalka Abaalmarinta Laacibka Sannadka FIFA? Wayne Rooney, Lionel Messi, Cristiano Ronaldo, Southgate & Didier Deschamps Yay U Codeeyeen?

CRISTIANO RONALDO ayaa loo caleemo saaray abaalamarinta ciyaaaryahanka sanadka FIFA kadib markii uu guulo ku hogaamiyay kooxdiisa iyo wadankiisa sanadkii lasoo dhaafay.

Xiddiga reer Portugal ayaa ka qaaday abaalmarintaan labada ciyaartooy ee Lionel Messi iyo Antoine Griezmann ka dib markii uu Euro 2016 iyo Champions League si geesinimo leh ugu gacan geliyay Real Madrid iyo Portugal.

guusha uu gaaray waxaa go’aansaday tababarayaasha qaranka iyo kabtanadooda kuwaas oo mid kasta uu lahaa codad uu siinayo seddex ciyaaryahan ee abaalmarinta sannadka u sharaxnaa.

Ronaldo ayaa helay 34,54% codadka la dhiibtay, halka Messi oo galay booska labaaad uu helay (26.42%) waxaana booska sadexaad ku dhameystay Griezmann oo helay kaliya 7,53% codadkii la dhiibtay.

Codka koowaad ee macalimiinta iyo kabtnada ayaa ah Shan dhibcood,codka labaad ayaa ah seddex dhibcood halka kan saddexada uu ahaa hal dhibic oo kaliya.

Haddaba waxaad is weydiineysaa macalimiinta iyo ciyaartooyda caanka ah ee dunida sidee ayay u dhiibteen codkooda ka hor inta aan lagu dhawaaaqin abaalmarintaan.

Haddaba halkaan Hoose ka aqriso sida Kabtanada qaramada Codadka u dhiibteen

Lionel Messi (Argentina): Suarez, Neymar, Iniesta

Henrikh Mkhitaryan (Armenia): Ronaldo, Messi, Griezmann

James Rodriguez (Colombia): Ronaldo, Modric, Bale

Luka Modric (Croatia): Ronaldo, Messi, Bale

Wayne Rooney (England): Ronaldo, Suarez, Vardy

Hugo Lloris (France): Griezmann, Messi, Ronaldo

Pierre-Emerick Aubameyang (Gabon): Neymar, Ronaldo, Messi

Manuel Neuer (Germany): Kroos, Ozil, Lewandowski

Arjen Robben (Netherlands): Ronaldo, Kroos, Lewandowski

Branislav Ivanovic (Serbia): Ronaldo, Messi, Neymar

Arda Turan (Turkey): Messi, Neymar, Iniesta

Cristiano Ronaldo (Portugal): Bale, Modric, Ramos

CODADKII AY DHIIBTEEN MACALIMIINTA QARAMADA

Roberto Martinez (Belgium): Ronaldo, Messi, Neymar

Gareth Southgate (England): Ronaldo, Griezmann, Kante

Didier Deschamps (France): Griezmann, Ronaldo, Messi

Joachim Low (Germany): Kroos, Ozil, Neuer

Danny Blind (Nehterlands): Ronaldo, Kroos, Griezmann

Martin O’Neill (Republic of Ireland): Bale, Buffon, Kante

Agote Lopetegui (Spain): Messi, Ronaldo, Ramos

Chris Coleman (Wales): Bale, Sanchez, Vardy


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Waxyaabo ku raali gellinaya