RASMI> Man City oo dib uheshay Kabtankeda Kompany – Waase sidee Xaalada Sane & Fernando

Kabtanka Manchester City  Vincent Kompany ayaa dib ugu soo laabtay tababarka buuxa ee kooxd kadib dhaawacyo hareeyay.

Kompany,ayaa la dhibtoonaya dhaawac dhanka Muruqa ah isagoo kooxdiisa ka maqnaa ilaa bishii November markaas oo uu ku dhaawacmay kulan uu ka hor yimid Crystal Palace.

Daafaca dhexe ee qaranka   Belgium-ka ayaa si kali ah ugu shaqeynaya inuu diyaar unoqdo inu kusoo laabto shaxda kooxda City, isagoo dhameystay kulan ay da’yarta City ciyaartay

Si kastaba, tababaraha Kooxda City ayaa sheegay inuu ka fakarayo inuu January suuqa kala iibsiga kala soo saxixido daafac cusub inkastoo bartilmaameedkiisii  Holger Badstuber uu amaah ugu biiray  Schalke.

City ayaa kulan katirsan horyaalka Ingiriiska la ciyaareysa nadiga  Everton Axada kulankan oo ka dhacaya   Goodison Park ayuu tababare Guardiola dib uheli doonaa labada ciyaaryahan ee  Leroy Sane iyo Fernando oo tababarka buuxa ee kooxda kusoo laabtay.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Waxyaabo ku raali gellinaya