RASMI: FA-ga oo soo diiday Racfaankii ay Chelsea ka qaadatay Casaankii J.Terry

Kooxda Chelsea ayaa ku guul dareysatay racfaankii ay ka qaadatay kaarkii kabtan John Terry la siiyay kulankii sabtidii FA Cup-ka ee Peterborough.

Terry ayaa daqiiqadii 66-aad loo taagay calaamada casaanka ah kulankii Stamford Bridge ay Chelsea ku badisay 4-1.

Ciyaaryahankan ayaa seegi doona kulanka ay la ciyaarayaan naadiga Leicester City maadaama hal kulan uu maqnaan doono.

Bayaan kasoo baxay  FA -ga ayaa lagu yiri: “John Terry waxaa uu uqalmaa hal ciyaar oo ganaax ah kadib qaladkii uu galay waana lasoo diiday racfaankii”


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Waxyaabo ku raali gellinaya