RASMI: Kooxda Sevilla oo Inter Milan kala wareegtay Gooldhaliyihii Man City Jovetic

Kooxda Sevilla ayaa ku dhawaaqday iney kooxda Inter Milan kala soo wareegtay weeraryahanka  Stevan Jovetic

Gooldhaliyihii hore ee kooxda Man City ayaa heshiis amaah ah ugu biiray naadiga ka dhisan Spain waxaana heshiiskaas loo badali karaa mid joogta ah.

Kooxda La Liga ka dhisan ayaa 27 jirkaan sii haysan doonta ilaa dhamaadka xili ciyaaredkan, xidigan ayaana horey ugu soo ciyaaray kooxaha Partizan Belgrade,  Fiorentina iyo Manchester City kadibna waxaa uu ku laabtay Italy isagoo aaday Inter Milan 2015;kii.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Waxyaabo ku raali gellinaya