BreakingNews: Madaxweynaha Real oo ka hadlay in C.Ronaldo uu ku biirayo China – Muxuuse ka yiri Weerarkii Pique

Kooxda Real Madrid ayaanan wax dalab rasmi ah ka hellin koox katirsan horyaalka China taas oo lagu doonayo  Cristiano Ronaldo.

Madaxweynaha kooxda Real Madrid Florentino Perez ayaa sheegay in sidoo kale laga yaabo iney helaan dalab noocaas ah.

Wakiilka Kabtanka qaranka Portugal  Jorge Mendes ayaa shaaciyay in Ronaldo uu ahaa ciyaaryahankii ugu danbeeyay ee ay lacag badan kusoo dalbadeen horyaalka China, dalabkaas ayuuna ku sheegay €300million oo Real la siinayo iyo mushaar uu sanadkii ku qaadanayo €100m

Mendes ayaa sidoo kale sheegay in xidiga ku guuleystay ciyaaryahanka adunka uusan raali ka aheyn inuu ka tago Madrid.

Si kastaba madaxweynaha kooxdaas Perez ayaa sheegay ineysan wali helin wax dalab ah oo laga soo gudbiyay 31 jirkaan.

“Real Madrid ma jiro wax dalab ah oo ay ka heshay C.Ronaldo,” Madaxweynaha Real ayaa sidaas usheegay Idacada Onda Cero.

“Waa macuul in waxyaabahaas ay dhaceen taas oo qeyb ka ah in dad badan ay xiiseynayaan saxiixa Ronaldo”.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Laakiin Madrid ma aysan helin wax dalab ah, xiliyada qaar waa ay ka hadlaan dadka taas oo ah inuu kooxda ka tagayo.”

Dhanka kale madaxweynaha Real ayaa sheegay ineysan kooxdiisa wax saameyn ah ku laheyn hadaladii uu Gerard Pique ku dhaleeceeyay garsoorka horyaalka Spain.

” Waa ciyaartoy wayn wuxuuna ku muujiyay in uu qayb ka yahay FIFA FIFPro World 11, kaas ayaa ah waxa aan anigu ka aaminsanahay Pique”.

Perez oo ka hadlaya xaalada garsoorka Spain iyo kooxdiisa ayaa yidhi: “Anigu noloshayda kamaan hadalin garsoorka, anigu waligay waxba kamaan sheegin. Wixii aanu samaynay ilaa 2000 kii  gaar ahaan anigu waxaan caawinayay garsoor si ay u fiicnaadaan”.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Waxyaabo ku raali gellinaya