BigNews: Kooxda Roma oo War Xasaasi ah kasoo saartay Bartilmaameedka United & Arsenal

Kooxda Roma ayaa ku kalsoon iney sii haysan karto daafaca dhexe ee Kostas Manolas bishan January, inkastoo lala xariirinayo naadiga Manchester United.

Tababare Jose Mourinho ayaa isha ku haya inuu lasoo saxiixdo dafac cusub bishan January, liiska ciyaaryahanada uu doonaya waxaa kamid ah daafaca kooxda Benfica  Victor Lindelof & kan naadiga Roma Manolas.

Manolas ayaa sidoo kale waxaa uu xiisa ka helayaa naadiga Arsenal halka Chelsea ay marar badan isku dayday heshiiskiisa.

Warar kale oo Italy laga helay ayaa sheegaya in Kooxda Roma ay ku dhowdahay iney aqbasho dalab ku kacaya €40million.

Si kastaba agaasimaha kooxdaas Mauro Baldissoni ayaa sheegay in haatan aysan wax dalab ah helin aysana diyaar u aheyn iney iibiso.

Baldissoni ayaa usheegay wariyaasha: “Manolas miyuu tagayaa January?  xagee ayuu aadayaa? Manchester United? Ma ahan mid aan wax ka ogahay.

“Ilama ahan inuu ka tagayo kooxda  January.” ayuu hadalkiisa ku daray agaasimaha naadiga Roma.

Manolas ayaa  16 kulan oo horyaalka ah usaftay naadiga Roma, isagoo ka caawinayay naadigiisa kaalinta labaad ee horyaalka inkastoo ay shan dhibcood ka hooseeyaan hogaamiyaasha  shanta sano ee horyaalka  Juventus.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Waxyaabo ku raali gellinaya