Muxuu ka yiri Eric Bailly Xiisaha kooxdiisa u qabto Daafaca Banfica Victor Lindelof? Miyuuse Dagaal ka Filayaa?

Daafaca kooxda Manchester United Eric Bailly ayaa si geesinimo leh u sheegay in uu la jeclaan lahaa in Victor Lindelof oo kooxda Benfica ka tirsan uu usoo dhaqaaqo garoonka Old Trafford.

Lindelof, oo 22-sano jir ah, ayaa lagu soo waramayaa inuu ku dhaw yahay inuu ku biiro United, inkastoo tababare Jose Mourinho uu meesha ka saaray saxiixa daafacan inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga bishaan January.

Bailly, oo ku maqan waajibaadka qarankiisa Ivory Coast, ayaa sheegay inuu ku farxi lahaa si aadana usoo dhaweyn lahaa Lindelof kooxda Man United.

“Waxaan rajeynayaa inaan isaga la ciyaaro. Waxaan rajeynayaa inuu na caawin doono,” ayuu u sheegay Fotbollskanalen kadib markii ay 2-1 kaga badiyeen xulka Sweden ciyaar saaxiibtinimo magaalada Abu Dhabi shalay oo Axad ahayd.

Bailly ayaa looga tagay kursiga keydka Ivory Coast ee shalay, waxaana guusha u sahlay Wilfried Zaha oo bedel kusoo kusoo galay qeybtii hore ee ciyaarta markaso goolkii madaxa ahaa ee uu dhaliyay Giovanni Sio ka caawiyay, waxaana goola kale u dhaliyay xulkan ciyaaryahankooda lagu magacaabo Serge N’Guessan oo ciyaarta ka dhigay 1_1 , halka goolka qaranka Swedan uu la yimidna uu ahaa mid ay iska dhaliyeen ciyaaryahanada xulka Ivory Coast, waxaana si qaldan shabaqiisa ugu leexiyay kubada daafaca Ivory Coast Wilfried Kanon, iyadoona ciyaarta ku dhamaatay 2_1 .

 


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Waxyaabo ku raali gellinaya