RASMI: Riyad Mahrez oo ku garaacay Aubameyang Iyo Sadio Mane ciyaaryahanka ugu wanaagsan Africa

January 06 (Laacibiin) ā€” Weeraryahanka kooxda kubadda cagta ee Leicester City iyo xulka Aljeeriya, Riyad Mahrez, ayaa ku guulaystay abaalmarinta Xiriirka Kubadda Cagta Afrika CAF ee ciyaaryahanka ugu wanaagsan qaaradda.

25-jirkan, ayaa xagaagii tegay ka caawiyay kooxda Leicester inay ku guulaysato Horyaalka Ingiriiska, horayna waxa uu ugu guulaystay laacibka Horyaalka Ingiriiska, sidoo kalana waxa uu qaaday billada BBCda ee ciyaaryahanka ugu wanaagsan Afrika.

Weeraryahanka kooxda Borussia Dortmund iyo xulka Gabon, Pierre-Emerick Aubameyang, ayaa soo galay kaalinta labaad, halka kaalinta saddexaad uu soo galay laacibka kooxda Liverpool iyo xulka Senegal, Sadio Mane.

Alex Iwobi celebrates after scoring the second goal

Weeraryahanka kooxda Arsenal iyo xulka Nigeria, Alex Iwobi, ayaa ku guulaystay abaalmarinta ciyaaryahanka da’da yar ee Afrika.

Ninka ay isku dalka ka soo jeedaan ee u safta kooxda Manchester City, Kelechi Iheanacho, ayaa isna u tartamayay billadaasi.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Waxyaabo ku raali gellinaya