Wax Walba oo aad uga baahan tahay Furitaanka African Cup Of Nations – Ciyaaryahanada ka qeyb galaya & Xog Buuxda

January 05 (Laacibiin) — Koobka Afrikan Cup of Nations ayaa dhawaan si rasmi ah ufurmi doona – waxaana halkaan idiinku soo gudbineynaa dhacdo walba oo aad uga baahan tahay inaad ka ogaato furitaankiisa!

Xiliga & Halka lagu qabanayo 2017-ka & AFRICA CUP OF NATIONS?

The Africa Cup of Nations, ayaa ka bilaaban doona dalka Gabon 14-ka bisha January ee sanadkan 2017-da.

Tartankan waxaa kasoo muuqan doona 16 koox, waxaana uu dhamaan doonaa Shanta bisha February.

QARAMADEE KA QEYB GALAYA?

Gabon ayaa usoo baxday tartankan maadaama marti galineyso waxaana ay wajahaysaa Burkina Faso, Cameroon iyo Guinea-Bissau Group-ka A.

Algeria, Tunisia, Senegal iyo Zimbabwe ayaa ku jira Group B, halka Ivory Coast, DR Congo, Morocco iyo Togo ay ku jiraan Group C.

Group D waxaa ku tartami doono Ghana, Mali, Egypt iyo Uganda.

Waa kuwee ciyaaryahanada England ka yimid ee sameynta ku leh tartankan?

24 ciyaaryahan oo horyaalka Ingiriiska ka ciyaarta ayaa ka qeyb galeysa AFCON bishan, waxaana laga soo tagay 13 ciyaaryahan.

Sadio Mane ayaa kasoo tagay Liverpool si uu uguto waajidbaadkiisa Senegal, halka  Mohamed Elneny uu Arsenal uga tagi qaranka Egypt.

Leicester ayaa weyn doonta Riyad Mahrez iyo Islam Slimani oo matali doonta Algeria iyo Daniel Amartey oo isna uciyaari doona qarankiisa Ghana.

Dhinaca kale Eric Bailly ayaa ka tagi doona Manchester United, halka Crystal Palace ay iyadana dhumin doonta Bakary Sako iyo Wilfried Zaha.

Burnley, Chelsea, Manchester City, Middlesbrough, Swansea City, Tottenham iyo West Brom ayaanan wax ciyaaryahano ah ku laheyn tartankan.

Maxaa qasab ku ah ciyaaryahanada ka qeyb galaya?

Maalinta ugu danbeysa ee ay tahay in ciyaaryahanada xaadiraan ayaa ah ugu danbeyn 4-ta January sidaas waxaa xakuntay FIFA.

Kooxaha ayaa qasab ay ku tahay iney ciyaaryahanada sii daayaan ilaa hadii aanan la magacaabin.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Waxyaabo ku raali gellinaya