WARBIXIN: Daawo diyaargarowga tartanka koobka qaramada Afrika, Sadio Mane oo kasoo muuqday tababarkii ugu horeeyay xulkiisa Senegal Xili xulalka diyaargarowgii ugu dambeeyay kujiraan

January 05 (Laacibiin) —  Sadio Mane ayaa bilaabay tababar inuu la qaato xulka qaranka Senegal maanta oo khamiis ah waxaana uu isku diyaarinayaa koobka qaramada Afrika.

Mane ayaa lagu sawiray isagoo kula qaadanaya saaxiibadiisa tababar aan caadi aheyn xerada tababarka xulka Senegal ee ku taala magaalada Dakr.

koobka qaramada qaarada Africa ayaa ka furmaya dalka Gabon 14 January, waxaana xulka Senegal uu kamid yahay xulalka loo sadaalinayo in ay ku guuleysan karaan tartanka.

Sadio Mane left for Dakar on MondaySadio Mane joins training session at the Leopold Sedar Senghor stadium in DakarSenegal are amongst the favourites to win

Senegal ayaa waxaa ka mid ah sanadkaan shan ciyaaryahan oo ka ciyaarta Horyaalka England kuwaasoo ay kamid yihiin Cheikhou Kouyate oo katirsan kooxda West Ham, Newcastle xiddigeeda Mohamed Diame iyo Everton ninka u ciyaara ee Idrissa Gueye Gana.

Laakiin Mane, oo 24 jir ah, ayaa ah ciyaaryahanka ugu weyn ee xulkaan uu wato, Jurgen Klopp kooxdiisa ayaaana uu u dhaliyay sagaal gool 21 kulan oo uu usaftay xiddigii hore ee Southampton.

Liverpool will head to Old Trafford unbeaten in six league outings - but without the services of ManeMane has scored two more goals than Adam Lallana

Liverpool ayaa tabi doonta Mane oo isku diyaarnaya inuu u duulo dalka Gabon ,waxaana uu dhaliyay gool kulankii ugu dambeeeyay ee uu usaftay kooxdiisa oo 2-2 la gashay Sunderland.

Mane ayaa u sheegay LFC TV: “Waa wax sahlan in aan ka tago halkaan,sababtoo ah waxaan jeclaan lahaa in la’aantay waqti fiican qaadato kooxdeyda.

“Waxaan ku jirnaa boos fiican. waa okay wax walba hadda, laakiin hadda waxa ugu muhiimsan ee aan ka fakirayo waa wajibka dalkayga ayuu hadalkiisa ku daray Mane.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Waxyaabo ku raali gellinaya